Saraakiil katirsan Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta oo uu kamid yahay Cumar Xaashi Aadan oo gaaray magaalada Baladweyne.

Cumar Xaashi Aadan

Halkaan ka akhri

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA CUMAR XAASHI

Xoghayaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa carabka ku dhuftay in ay xasiloon tahay magaalada Baladweyne kadib markii ay gacan ku haynteeda lawareegeen isagoo yiri ”Gumeysigii illaa muda deganaa wuu ka baxay wax maamul ahna kama jiraan anagaana gacanta ku hayna”.

Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in ay ladagaalamayaan ciidamada gumeysiga Ethiopia, balse ayuu yiri : ‘’Inta aysan soo gaarin oo ay dib ugu soo laabanin ayaan ladagaalameynaa ciidamada gumeysiga Ethiopia, mana dooneyno in aan magaalada gudaheeda kula dagaalano’’.

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaasi gaareen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Isbaheyisga dib u Xoreynta Soomaaliyeed, waxeyna saakay gebi ahaanba si buuxda ula wareegeen guud ahaan magaalada Baladweyne.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha halkaa gaartey uu Horkacaayay Cumar Xaashi Aadan, oo ka mid ah gudiga fulinta ee Isbaheyisga dib u Xoreynta Soomaaliya ahna madaxa arrimaha gudaha waxaana ku wehliyay sarkaalka howl gelinta u qaabilsan Xoogaga Kacdoonka Soomaaliyeed iyo Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Labaatan Jirow.

Qaar ka mid ah saraakiishaas oo meel fagaare ah dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne kala Hadley oo uu ka mid yahey Labaatan Jirow ayaa u jeediyey dadkii isu soo baxey 3 Arimood oo kala ah: in ay is dejiyaan oo howlahooda caadiga ah iska wataan, in ay iyagu amaanka guud ee degmada Baladweyne iyo kan gobolkaba sugayaan, iyo in aysan wax bililiqo ah kula dhaqaaqin dadweynaha xarumihii maamulku ka bexeen ee magaalada Baladweyne.

Xoogaga Kacdoonka ee saaka la wareegay xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne ayaa goobaha muhiimka ah ee magaalada dhigay ilaalo xoogan oo ciidamadooda ah, sida wadooyinka soo gala magaalada, Buundada Liiq-Liiqato, Saldhiga Degmada, Xarumihii Maamulka ee Degmada iyo Janta Kundisho oo fariisin ciidan u aheyd ciidanka Ethiopia ee saaka halkaa isaga huleelay.

Saraakiishan sar sare ee gaarey magaalada Baladweyne ayaa ka codsadey Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada in ay kulan la yeeshaan, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda kulankooda wada qaataan, waxaana la filayaa in ay uga wada hadlaan arimaha gobolka Hiiran, gaar ahaan tan Degmada Baladweyne.

Xaalada Amaan & Nabadgelyo ee degmada B/weyne ayaa u muuqata mid degan kadib markii ay isaga guureen Ciidamada gumeysiga Ethiopia isla markaasna ay la wareegeen gacanta ku heynta xoogagga Kacdoonka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: