Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacada Carabta oo ka hadlay in arrimaha Somaliya.

Astaanta J. Carabta

Halkaan ka akhri

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Amir Musa, ayaa wuxuu ka hadlay arrimaha dalka Soomaaliya asagoo ka jaawaabayo hadal dorraat ka soo yeeray Sheikh Xassan Daahir Aweys oo ka mid ah ma’uuliyiinta sare ee Isbahaysiga ee  ku sheegay in Jaamacadda carabta ay Illooday arrimaha Soomaaliya, balse muhiimad gaar ah ay siisay xaaladda Lubnaan.

 Hase ahaatee Amir Musa oo Wareysi siiyey maanta Website-ka Ilaaf.com ee laga leeyahay dalka Masar, wuxuuna gaahaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay inuu Ururka Jaamacadda Carabta iska illaabeen wax-ka-qabashada xiisadaha ka aloosan dalka Somalia, oo ay culayska saareen Xiisadihii Siyaasadeed ee ka taagnaa dalka Lubnaan, hadalkaasi, ayaa waxaa jawaab-celin u ah hadalkii uu Sheekh Xasan Daahjir Aweys.

Xoghayuhu, wuxuu sheegay inay jiraan Wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo si ficil leh dadaal ugu jira sidii wax looga qaban lahaa arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in labadii bilood ee ugu dambeysay ay socdeen dhaqdhaqaaqyo ay Jaamacadda Carabta ka dhex waday Kooxaha Siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Amir Musa oo arrintaas ka sii ambaqaadayo, ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay Guddiga Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaalladda Soomaaliya, kaasi oo lagu wado inay ku lafa-guraan horumarka laga gaaray dadaalladda Diplomaasiyadeed ee haatan laga dhex wado Dowladda KMG Soomaaliya iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu wadaa inay berrito soo gaaraan dalka Jabuuti, si ay uga qeyb-galaan Wareegga Labaad ee Wada-xaajoodka ay Qaramada Midoobey u qabanaabisay Dowladda KMGiyo Isbhaysiga Dib-u-xorreynta ee dalka Soomaaliya. 

Isha Warka www.Ilaaf.com

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: