Barlamaanka Jabuti
Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray Saakay ayaa sheegaya in shirkii dib u heshiisiinta daladda KMG Soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u Xoreynta oo maanta loo ballansanaa Wareegiisa 2aad inuu ka dhaco magaalada Jabuuti oo dib u dhac ku yimid.
Hase ahaatee dib u dhacaas ayaa la sheegayaa in is qabqabsi Siyaasadeed uu ka dhextaagan yahay gudaha mas’uuliyiinta dowladda KMG, sidoo kale waxaa cirka isku shareerey doodda khilaafka gudaha Isbahaysiga dib u Xoreynta, inkastoo la sheegay in guddi dhedhexaadiya ay sameysteen.
Balse waxaa la filayaa in shirku dib uga dhaco ugu yaraan 2 maalmood,hase yeeshee aan wali lagu dhawaaqin rasmi ahaan goorta uu furmi doona shirka Jabuuti, waayo waxaa soo ifbaxayo mushkilad ka aloosan ee la xiriirta Soomaalida dhexdeeda.
dhanka kale waxaa lagu soo warray in isbedel uu ka yimid ergada dowladda KMG shirka uga qayb galayso oo rag cusub loo soo magacaabay iyo rag ka tirsan dowladda oo diiday in wax laga beddelo guddigii horey uga qayb galay.
Si kasta ha ahaatee waxaa maanta la filayey in magaalada Jabuti ay imaadaan Wafdigii dowladda KMG uga qayb geli lahaa sherka ee uu hooggaaminayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf.
SomaliSwiss Djabuti
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.