Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Daawo Sawiro kale
Halkaan ka akhri
Ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS). iyagoo ka xun kana murugsan waxa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka South Africa ayuu dawladda South Africa ka codsanaya in ay eegto oo ay baarto waxa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee nabadda u soo doontay dalka South Africa iyagoo ka soo baxsaday qalaalasaha iyo dagaallada daba dheeraaday ee ka jira Somalia.
Haddii aynu nahay bahda ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS) waxaan canbaaraynaynaa silica iyo dilka iyo boobka joogtada ah ee loo geesanayo shacabkeena Soomaaliyeed ee ku sugan dalka South Africa,waxaanu leenahay in dawladda South Africa ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo kuwa falalkaasi kula kacayo shacabkeena Soomaaliyeed, loona soo celiyo walaalahayaga hantidooda dibna loo dejiyo meelihii ay degganaayeen.
Waddanka South Africa waxaan u haysanney inuu yahay waddankeennii labaad, oo aan walaalahayn Afrikaanka ah oo isku dhigga nahay aan kala kulmi doono soo dhaweyn wacan dowlad iyo shacab intaba. Laakiin dhibaatada maanta halkaas ka dhacday waa mid Taariikhda Africa baal mugdi ka geli doonto.
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS) Wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed xusuusinayaa arrinta ka dhacday South Africa ay tahay mid bilow ah, lagana yaabo inay ku sii fiddo waddamo kale oo Afrikaan ah.
Sidaas darteed waxaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda, ka codsanaynaa in ay gacmaha is qabsadaan walaal kastana oo ku dhibaataysan gudaha ama dibedda gurmad u fidiyaan, waxaan caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda ku nool si naxariis leh uga codsanaynaa in waalaalaha ku dhibaataysan dalka iyo dibedda wax loo qabto.
Dhammaan xubnaha UWS. Waxay tacsi tiiraanyo leh halkaan uga dirayaan Dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dhibaatadii ka dhacday waddanka Koonfur Afrika, waxay kaloo tacsi taa la mid ah u dirayaan Dhammaan dadka rayid ahaa ee ku geeriyooda maalin walba gudaha Somalia. Waxayna ALLAH (SWT) ugu beryayaan intii dhimatay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo. Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo. “Aamiin”.
Xubnaha UWS. Waxay kaloo Allah (SWT) duco uga beryayaan inuu caafimaad fiican siiyo dhammaan shacbigii Soomaaliyeed ee ku dhawaacmay waddanka Koonfur Afrika iyo gudaha Soomaaliya intaba. “Aamiin”
Xubnaha UWS. Waxay kaloo Allah (SWT) uga beryayaan shacbigii Soomaaliyeed ee ku hanti beelay waddanka Koonfur Afrika iyo gudaha Somalia intaba inuu ugu beddelo wax khayr qaba. Insha’Allah “Aamiin”.
Abdullahi Jama Mohammed
AFhayeenka ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS).
Toronto, Canada
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.