Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeynaya Qaraar Ciidamo Caalami ah loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya.

Ilaalada X.Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniinta soo socota waxaa uu u codeynayaa qaraar ciidamo caalami ah loogu dirayo Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Haddii qaraarkan uu golaha Ammaanka u codeeyo wuxuu ogolaanayaa inay Xeebaha Soomaaliya galaan  Maraakiibta dagaalka iyo Ciidamo Caalami ah, kuwaasi oo la dagaalami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Doomaha iyo Maraakiibta qafaasha.

Hase yeeshee qaraarka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeynayo wuxuu jawaab u yahay codsiyo ka yimid Dowladda Faransiiska, Dowladda Ingiriiska, Dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, kuwaasi oo ahaa in Xeebaha Soomaaliya la geeyo Ciidamo la dagaalama Burcad Badeedka.

Sida uu dhigayo qaraarkan in Ciidamada loo dirayo Xeebaha Soomaaliya ay joogi doonaan halkaas muddo lix bilood ah, iyagoo Xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay.

Si kasta ha ahaatee Xeebta Soomaaliya oo dhirirkeedu tahay 3,333 Km oo ah xeebaha ugu dheer qaarada Africa ayaa waxa ay isku xirtaa bada Cas iyo Bad weynta India wadooyinka ay Maraakiibta Caalamiga ay isticmaalaan taasi oo maalmihii ugu danbeeyay lagu Afduubtay Maraakiib fara badan iyadoo falkii ugu danbeeyay maalintii Arbacada lagu Afduubtay Laba markab xeebaha wadanka Somaliya.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

UN to vote on Somali piracy resolution

 

UNITED NATIONS – A draft U.N. resolution finalized on Friday would allow foreign ships to enter Somali waters to capture and prevent acts of piracy and armed robbery.

Piracy is rampant along Somalia’s 1,880-mile coast, which is the longest in Africa and near key shipping routes connecting the Red Sea with the Indian Ocean. The seas around Somalia have seen more than a dozen pirate attacks this year alone. On Wednesday, two ships were attacked in the Gulf of Aden.

The draft resolution, which the Security Council expects to vote on Monday, is in part a response to requests from both Secretary-General Ban Ki-moon and the Somali government for international help in combatting the problem.

Wracked by more than a decade of violence and anarchy, Somalia does not have a navy, and a transitional government formed in 2004 with U.N. help has struggled to assert control. The U.S. Navy has led international patrols to try to combat piracy in the region.

For a period of six months, the resolution would allow states cooperating with Somalia’s transitional government to “enter the territorial waters of Somalia for the purpose of repressing acts of piracy and armed robbery at sea.”

“We’re very pleased that we’ll be moving ahead on this resolution,” said Ben Chang, deputy spokesman for the U.S. mission to the U.N. “For some time we’ve all acknowledged that the scourge of piracy has been a problem for many countries. … We have a very clear framework in which countries can tackle this problem.”

Source  Associated Press

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: