Maxamed X. Xaad
Halkaan ka akhri
Max’ed Xasan Xaad oo ah Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa xalay warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho,siyey war la xiriira Ciidamada Amison, balse wuxuu si caddaan u beeniyay war uu dorraat ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barigy Ba-hoku oo ahaa in Ciidamada AMISOM laga soo Weeraro Degmooyinka Hodan iyo Dayniile.
Guddoomiyaha wuxuu intaas ku daray in Ciidamada AMISOM looga baahanyahay in ay raali galin ka bixiyaan hadalkaas waxaana uu sheegay in aysan Ciidamada AMISOM meelaha looga soo qaadayo weerarka aysan garan, balse qoladii warkaas ay ka heleyn warka beenta ah waa kuwo doonayo inay fidno abuuraan, Cadawna ku ah nabadda.
Mudane Maxamed Xassan Xaad wuxuu kaloo Sheegay in Degmada dayniile ay degan yihiin dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho islamarkaana AMISOM ay dooneyso in ay sii barakiciso Shacabka Masaakiinta ah, balse haddii ay AMISOM ay ku biirta kuwa u taagan barakicinta dadka aan waxba galabsanin, waxay noqonayaan Cadawga Soomaaliyeed, sida Ciidamada Ethiopia.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.