Sh.Suuley & Sh.Mudey
Halkaan ka akhri
Hogaanka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan gudaha wadanka soomaaliya ayaa Maanta waxa ay Sheegeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin khilaafka u dhaxeeya Madaxda sar sare ee ururka is baheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.
War cad oo ay soo saareen ayey waxay ugu warrameen in qilaafkaas Isbahaysiga uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Howlaha Muqaawamda ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale baaq u jeediyeen Madaxda Isbaheysiga ee ku sii kala fogaanaya dhinaca Aaraada ah.
Balse Afhayeenka Maxkadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley oo saxaafada la hadlayey wuxuu sheegay in ay tahay Arintaas mid aan loo bogin islamarkaana aan Farax galineyn Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu ugu baaqay Madaxda Sare ee Isbaheysiga in aysan sii wadin dhibaatada Khilaafka ah ee ka dhex taagan,waxaana uu kula taliyay in khilaafkaas ay Xaliyaan.
Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in Muqaawamada gudaha ay isku duuban tahay isla markaana ay sii wadaan la dagaalanka gumeysiga ku habsaday Shacabka Soomaaliyeed.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.