Xil. Cusmaan Caato
Halkaan ka akhri
Baabuur Kolonyo ah ee uu ku jiray Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa lagu soo waramayaa in Xoogaga ka soo horjeeda dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ay maanta gacanta ku dhigeen XIldhibaankaas.
Xildhibaanka oo ka yimid Baydhabo markiisii ugu horeysay muddo kadibna kusoo jeeday Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay deegaanka Lego oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose.
Hase ahaatee ma jirin wax iska horimaad ah oo lka dhacay qabashada Cusmaan Caato, balse xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ah iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa in ay isku wareejiyeen gaarigii uu saarnaa caato islamarkaana kala soo degay gaariga isaga iyo labo ilaaladiisa ka mid ah, waxayna la aadeen deegaan ka tirsan Sh/hoose.
Nin u hadlay Jabahadda JIS ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Xildhibaan Cusmaan Caato, ayna ku hayaan goob ammaankeedu aad u wanaagsan yahay hayaan isaga uu nabad qaba.
Si kasta ha ahaatee waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo horey uga mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii burburka iyo halaaga u geystay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lamana garanayo sida ay ka yeeli doonaan Xildhibaan Cusmaan Caato, hase yeeshee ma jirto wali wax war ah oo ka soo yeeray mas’uuliyiinta dowladda KMG ah.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.