Markab la afduubtay
Halkaan ka akhri
Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay in ay leedhahay mid ka mid ah labadii Markab oo Shalay lagu Afduubtay Xeebaha Wadanka Somaliya.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha dibada ee wadanka Jarmalka ayaa wuxuu xaqiijiyay in dowlada Jarmalka ay leedahay mid ka mid ah laba Maraakiib oo shalay lagu Afduubtay Xeebaha Wadanka Soomaaliya laga leeyahay dalkeeda.
Waxaa Sidoo kale ka hadlay Androrew Mwangura oo mas’uul sare ka ah ururka badmareenada Caalamka ayaa xaqiijiyay in markabka lagu magacaabo MV lehmann timbe oo laga lahaa wadanka Jarmalka lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya.
 Hase ahaatee Maraakiibtaan ayaa la sheegay in koox burcad badeed Soomaali ah ay ku soo weerareen gacanka cadmeed iyagoo watay laba doonyo oo ah kuwa dheereeya, kuna hubeysnaa qoryaha waaweyn ee garabka laga Tuuro.
Burcad baeedka Afdiuubatay labadaan markab ayaa ah kuwa Afduubtay dhaawaan markab laga leeyahay wadanka Holland sida uu shegay mas’uulka ururka Badmareenka caalamiga ah.
Sida lagu soo warramay Maraakiibta Todobaadkaan oo keliya gudihiisa lagu Afduubtay Xeebaha wadanka Soomaaliya ayaa waxay tiradooda gaarayaan ilaa seddex Markaabiib, waxaana Afduubtay Burcad badeed Somaali ah kuwaasi oo doonaya in maraakiibtaasi laga siiyo lacag Madax Fursho ah.
Si kasta ha ahaatee waxaa Axaddii tegtey ayaa Burcad badeed Soomaali ah, waxayna Afduubteen markab laga leeyahay wadanka Holland, waxaana saarnaa ilaa 9 shaqaale ah oo u kula dhashay wadamada Russia iyo Filipino, islamarkaana loola dhaqaaqay Xeebaha Puntland, balse Ururka Bad-mareenada Caalamka ayaa ugu baaqay Maraakiibta aadaya Xeebaha dalka Soomaaliya inay ka feejignaadaan Burcad-badeedka dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss Source Ap
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.