Danjiraha Safaaradda Ethiopia ee Muqdisho oo sheegay in Ciidamadoodu ay ku jabeen dagaalka Soomaaliya, hadda ay joojiyeen howl-galadii ka wadeen.

Safaaradda Ethiopia

Halkaan ka akhri

Danjiraha dalaka Ethiopia  u qaabilsan Soomaaliya Shawal ayaa Maanta markii ugu horaysay la hadlay qaar ka mid ah  warbaahinta Muqdisho xili meesha uu joogay meel aan ka fogayn ay Hoobiyaal ka dhacayeen.

 

Dowladda Ethiopia a ayaa shaaca ka qaaday markii ugu horaysay in Ciidamadeedu ay ku jabeen gudaha dalka Soomaaliya iskamarkaana qatar kala kulmeen kooxaha ka soo horjeedo joogitaankooda.

 

Sarkaalkan ka tirsan Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho, wuxuu intaas ku daray in ay joojiyeen dhamaan Howlgaladii ay Ciidamadoodu ka samayn jireen Gobalada Dalka Soomaaliya hadda wixii ka dambeeyana ay yihiin Nabad ilaaliyaal.

 

Sidoo kale Danjiraha Ethiopia Soomaaliya u fadhiya ayaa sheegay in aanay beegsanayn Beela gooni ah oo ay isugu midyihiin qabaa’ilada Soomaaliyeed ” Annagu Hadaan Ethiopia nahay lama dagaashanin Habar Gidir, Abgaal, Murusade iyo reer Xamar, balse Soomaali oo idil waa isku mid waana in Nabadda laga shaqeeyaa qaabiilada oo dhan waa in ay ogaadaan in Itoobiya aysan qabiil gooni ah ladagaali doonin” ayuu yiri Shawal Safiirka Itoobiya uqaabilsan Soomaaliya.

 

Si kasta ay Ethiopiyaanka ay hadalka u qaboojiyaan, haddana  Xoogag Muqaawamada Soomaaliyeed waxay Maanta Weeraro loo Isticmaalay Hoobiyaal ku qaaday xarunta Xisbiga xili halkaas ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir iyo danjiraha Ethiopia u qaabilsan Soomaaliya.

 

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: