Qaybinta Raashiinka
Halkaan ka akhri
Ciidamada Xabashada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Maanta qaar ka tirsan dadka ka soo barakacayMadaafiicdooda u qaybiyay Raashin qamadi oo goor hore dhacay, islmarkaasna laga dayrinayo Tayadiisa, lana sheegay in Hay’adda WFP mar hore iska daadisay.
Saakay Barqadnimadii ayey Ciidamada Xabashadu ee ku sugan Isbartiibada Muqdisho si qasab ah ugu soo faafeen xaafadaha ku hareeraysay Garoonka Isbartiibada iyagoona Shacabka kala dhaqaaqay Jirdil iyo Hanjbaad markii dambana ku qasbay in ay qaataan Boqolaal Kiintaal oo Qamadi ah oo ay Ciidamada Xabashada qaybiyeen.
Â
Munaasabad gaaban oo uu Safiirka Xabasha u qaabilsan Soomaaliya Shawal ayaa Saxaafadda u sheegay in ay markii labaad Ciidamada Xabashada Gar-Gaar u fidiyeen Shacabka Soomaaliyeed oo ayiyagu dartood u yimideen dalka Soomaaliya si gacan uga geystaan nabad ilaalinta.
Â
 qaar katirsan Shacabkii Maanta Raashinka ka qaatay halkaas, ayaa soo xirtay Indhaha sababa la xariiro in wejigooda la arko, taasoo Ceeb ku ah in qof Somali ah ay Cunta ka qaataan xabashada, taasi waxay muujinaysaa sida ay Shacabka Soomaaliyeed naceebka ugu qabaan Ciidamada Xabashada.
Â
Qaar ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa goob joog ka ahaa Raashinkii Maanta Shacabka ayaa sheegay in lagu qasbayey waxayna la yaabtay Falka ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Cadawga Xabashada oo ku caanbaxay Xasuuq iyo Barakicinta Shacabka.
Â
Si kasta ha ahaatee  warku wuxuu intaa ku darayaa in Raashinkan ay Hay’adda WFP ay goor hore ugu deeqday Maamulka Gobalka Banaadir, balse ay isku haysteen in muddo ahba Mas’uuliyiinta gobolka, ayaa la soo sheegay in Hoggaanka Sare ee Ciidamada laga iibiyey.
Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.