Sh.Shariif & Sh.Xassan
Halkaan ka akhri
Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Somaliyeed Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo loogu soo jeediyay gudaha dalka Yemen oo ay gaareen shalay in ay kula kulmeen madax ka tirsan dawladda Itoobiya.
Zakariye Cabdi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Isbaheysiga Xoreynta ayaa arrinkaasi ka sheegay warbaahinta isagona adkeeyay in dawladda Yemen ay kulan siisay Sheekh Shariif iyo Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Ethiopia.
Â
Hase yeeshee Gudoomiye Sheekh Shariif wuxuu ku tilmaamay hadalkaasi mid aan la qaadan karin isagoona adkeeyay in ay tahay dacaayad rakhiis ah oo la doonayo shacabka in lagu jahwareeriyo.
Â
 Balse waxaa sii kordhaya waayahan Khilaafka u dhexeeya Isbaheysiga Xoreynta Soomaaliyeed kaasi oo ka mid ah garabyada halganka xoogan dalka kaga jira ee ka dhanka ah joogitanka ciidamada Ethiopia.
Â
SomaliSwiss Sanca
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.