Was.Ar.Dibeda Ethiopia
Halkaan ka akhri
War kutrikuteen ah oo ka soo oo ka soo baxay magaalada Addis in Dowladda Ethiopia ay sheegtay in ay kulamo kula leedahay dalka Yemen Mas’uuliyiin ka tirsan Isbahaysiga dib u Xoreynta ee ku kacsan Siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
  Sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha Dibadad Ethiopia ayaa BBC-da usheegay in ay kulamo la yeesheen Madaxda Isbahaysiga Asmara iyo Dublumaasiyiin Itoobiyaan ah waloow uuna sheegin wixii kulankaas kasoo baxay.
Â
 Madaxweynaha Yemen ayaa Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan uga yeeray Yemen oo ay iminka ku sugan yihiin dalka Yemen, balse Shiikh Shariif ayaa beeniyay in ay Kulamo la yeesheen Saraakiil Itoobiyaan ah.
Â
 Si kasta ha ahaatee Jaha-wareer dhinaca Siyaasadda ah ayaa ka taagan Soomaaliya kadib markii ay kala jabeen Mas’uuliyiinta Isbahaysiga Asmara oo ahaa Xoog Siyaasadeed oo Wadna qabada ku ah Dowladda Federaalak Soomaaliya, Dowladda Itoobiya oo ku fashilantay arrimaha Soomaaliya ayaa iminka doonayso in ay kala qaybiso Kooxaha iyada diidan iyadoona rabto in ay qoorta isku geliso Isbahaysiga Asmara iyo Al Shabaab oo Awood Meleteri iyo mid Shacbiyadeed kuleh Soomaaliya islamarkaana Maraykanku uu ku daray waxa logu yeero Argagaxisada.
Â
SomaliSwiss Addis ababa
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.