Magaalada Jabuuti oo Bisha May 31keeda dib uga furmi doono Wijigii 2aad ee wadahadallada Dowladda KMG ah iyo Isbahaysiga dib U Xoreynta Soomaaliya.

Ahmedou Ould

Halkaan ka akhri

War shalay ka soo baxay magaalada Nayrobi ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah  Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah ayaa lagu caddeeyey in 31-ka bishan uu dib u bilaaban doono wada hadalada wijiga 2aad ee Dowladda KMG ah iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Ahmedou Ould Abdallah ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay furmitaanka wada hadalada nabada wajigiisa labaad.Hase yeeshee Wadada hadalada Jabuuti ee 31-ka bishan ayaa waxaa la leeyahay in Isbaheysiga Dib u Xoreynta ay si xoogan isugu khilaaf yihiin si aad ahna  ugu uhu muuqataa dhexdooda, ayna siyaasad ahaan ku kala qeybsan yihiin.
 
Haddaba hadalka ka soo baxay Xafiiska Ahmedou Ould Abdallah ayaa wuxuu tibaaxayaa in wafdi ka socda Golaha Ammaanka ay tagi doonaan Madasha Shirka ee Magaalada Jabuuti, si ay ula hadlaan dhinacyada siyaasada Soomaaliya isku haya.

 

Balse sida la sheegay wafdigan ayaa sii gogol xaaraya wada hadalada Nabada, iyagoona goob joog ka noqonaya heshiiska labada dhinac ay ku gaarayaan Jabuuti, hase yeeshee kama muuqato ifafaale ay bulshada Soomaaliyeed ku faraxdo.

Wada hadaladan Jabuuti uga socday Dowladda KMG ah iyo mucaaradka ka soo horjeeda ayaa markii horeba ahaa mid ay ka soo horjeedeen Kooxda Isbahaysiga oo  horumuudka ka yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Si kasta ha ahaatee kulanka labaad ee Jabuuti furmi doono maalinta bisha ay tahay 31 oo ku beeggan sabtida soo socoto, ayaa ku soo aadayso xilli Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka ay hogaamiyaan Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan ay ku sugan yihiin Magaalada Sanca ee Dalka Yemen.
 SomaliSwiss  Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: