Xoogagga Muqaawamada
Halkaan ka akhri
Kadib dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada dharkaynleey ee gobalka Banaadir ayey Xoogaga Muqaawamada Soomaaliya ugu suurta gashay in ay la wareegaan Gacan ku haynta Saldhigga Booliska degmada Dharkaynleey.
Hase ahaatee dagaal kann ayaa mid aad u cuslaa oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay xaafadaha Dharkaynkeey iyo Madiina, kooxaha ka soo horjeedo Dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya ayaa la sheegay in goobta lagu dagaallamay ay saakay lagu arkay 4 qof oo Maydadka Askarta ah, balse Muqaawamada aysan waxba uga dhimanin, waxayna  Xabsiga degmadaas ka sii daayeen Maxaabiis badan.
Balse dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Saldhigga ay kooxihii Muqaawamadu ka qaateen laba Baabuur oo ah nuuca dagaalka kuwaas oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda, Mayadadka Ciidamada katirsan Dowladda ayaa la sheegay in ay yaalaan Afaafka hore ee saldhigga Booliska
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.