Xarunta dhexe ee Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya oo loogu dhawaaqay guddi dhexdhaxaadiya khilaafka ka jira Isbahaysiga gudihiisa.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/05/isbaheysiga.jpg?w=309&h=211

Isbahaysiga dib u Xoreynta

Halkaan ka akhri

 War saakay ka soo baxay Xarunta dhexe ee Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya eMagaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu  sheegayaa  in Ururku uu iska dhex magacaabay guddi ka kooban 3 xubnood oo ujeedidiisu tahay sidii ay isugu soo dhaween lahaa dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamed Saalax Garyare oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shir labo maalmood uga socday Magaalada Asmara ay ku Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Dib u heshiisiin iska dhex bilaabaya.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in la magacaabay guddi seddex xubnood oo Odayaal ah, kuwaasi oo Dalka Jibouti ugu tegi doona Guddoomiyayaasha labada Gole  ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Balse Mudane Maxamed Suldaan Garyare wuxuu intaas ku daray in lagu guuleysan doono in la soo af-jaro khilaafka u dhaxeeya Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in aaney jirin wax gaar ah oo ay isku hayaan Xubnaha Isbaheysiga, marka laga reebo Qodobo ka tirsan Axdiga u degsan oo la isku qabtay.

Si kasta ha ahaatee wuxuu  kaloo uu sheegay in ay shirkooda ku magacaabeen guddiyo qaabilsan Saxaafadda, Arrimaha Xiriirka Dibadda iyo Qabanqaabinta kalfadhiga labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Guddigan oo laga soo magacaabay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxaa la filayaa in ay tagaan Dalka Jabuti, kadibna ay la kulmaan madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo haatan lagu soo waramayo in ay booqasho ku joogaan Dalka Yemen.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: