Qaarka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Kanton Zürich oo si qiiro leh shalay uga soo qayb galay Xasuusta Marxuum Abdi Daud Xussen.

Xasuusta Marxum cabdi

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay ka dhacay abuuraha Friedhof Sihlfeld, dib u xasuusiddii rasmiga ahayd ee Aaska Marxuum Abdi Daud Xussen oo ku dhintay Universität Spital ee degmada Zürich, Taariikhda markey ahayd 23 März 2008da; oo si qarsoodi ah loo Aasay 16ka April 2008da iyadoon la raadin Ehelkiisa.

Shalay oo ahayd taariikhda 27 bisha Maajo 2008da, waxay noqon doontaa maalin xasuus weyn ku reebto Soomalida ku nool Kanton Zürich, waayo goobtii ka dhacday xasuusta Marxuun Cadi Daauud oo qaar yar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida imaadeen ee ku nool Kanton Zürich, balse ka soo qayb galayaasha ayaa waxay ahaayeen kuwo ka danqaday sida loo galay Marxuumka Soomaaliyeed, hase yeeshee dadkan ayaa ka muuqatay qiiro waddaniyadeed.

Haddii aan u noqdo munaasabadda xasuusta Marxuum cabdi waxa ka soo qayb gelaya Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda, dad Swiss ah oo horusocod ah iyo warbaahinta Swisska, balse waxaa wax laga xumaada ah in dadkii Swisska ay la yaabeen yaraanta Soommaalidii ka soo qayb gashay ee halkaas joogtay, balse taasi waxaa ka daran marka ay I weydiyeen su’aasha ah “Aaway Soomalidii ku nool Zürich oo cadakooda lagu qiyaasay in ka badan 1500 qof ?.

Hase ahaatee waxaan waayey jawaabta Su’aashaas, ayaa waxaan u sheegay in dadka badinkoodu aan gaarin wargelinta, qaarkood ka codurdaarteen shaqo awgeed.

Si kasta ha ahaatee waxaa goobtii lagu Xasuusanayey Marxuum Cabdi, hadallo kooban ka jeediyey Mas’uuliyiinta Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha u dooda sida Amnesty iyo Augenauf, waxayna ka warrameen xaaladda marxuumka iyo halka ay mareyso, balse waxay Soomaalidu ka Codsadeen inay johdi geliyaan sii loo heli laha Ehellada Marxuum, waayo iyga ayaa ah furaha labaad ee dacwada Marxuumka; waxaa kaloo hadal magadcelin ah ka jeedoyey Axmed Dhicisow oo si aad ah ugu howlnaa arrinta Marxuumka.

Balse waxaa muran ku jirin in la gaarnay  ujeedadii laga lahaa isu imaatinka lagu xasuusanayey qof Soomaali ah oo lagu xadgudbay xaquuqdiisa bani’aadannimo:-

1-    In haddii aan Soomaali nahay ay dib dambe noogu dhicin arrintan mid la mid, waayo waxaan nahay dad la yiraahdo Soomaali oo leh Diin, Hiddo iyo dhaqan, haddana ku nool dalkan Switzerland, balse aan oggoleyn in lagu xadgudbo.

2-    In Soomaalidu ay ogaato inay ku daydaan dadka kale ee Ajaanibka ah ee ku nool dalkan, isla markaasna isku duuban, dhacsadana xaquuqdooda.

3-    In Maamuladda iyo hay’adaha Kantoon ay ogaadaan in aan ka xun nahay arrinta ku dhacday Marxuum Daud Abdi.

Ugu dambeyntii waxaa hubaa haddii Marxuum cabdi uu ahan lahaa dhala shadiisu Ciraaqi, Kurdi Albaania IWM, waxaa maanta halkaasbuuxin dad aad u fara badan, balse Soomaali wali meelbaa bukta, hase yeeshee waxaan oron lahaa ka gudba waxa meeshaan ina dhigay,

SomaliSwiss  Kanton Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: