Magaalada Jowhar oo ay ammaankeeda soo hagaagayso, kadib markii Ciidamada maxkamadaha ay sameeyeen howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Ciidamada MMIS

Halkaan ka akhri

Ciidamada Maxaakiimta Islamiga Soomaaliyeed iyo Ciidamada Madaniga Magaalada ee gacanta ku hayo maamulka magaalada Jowhar ayaa lagu soo warramayaa inay maanta billaabeen howlgalo ay ku sugayaan amaanka magaaladaas oo waqtiyadan danbe ay ammaankeedu faraha ka baxay.

Xaafadaha kala gedisan ee magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamo isugu jira Kuwa Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Madaniga oo gaafwareegaya isla markaana su’aalo weeydiinaya ciidii ay uga shakiyaan in ay amaanka magaaladasi Wax u dhimeeyso.

Hase yeeshee Ciidamada Madaniga ayaa waxay fariisimo ka sameysteen Goobo ay kooxo burcad ah dadka ku dhibaateyn jireen Dhawaanahan sida warshadii hore ee Sokorta iyo Buundada isku xirta magaalada Jowhar.

Si kasta ah ahaatee dadka dega magaalada Jowhar iyo nawaaxigeed ayaa si weeyn u soo dhaweeyay howlgalada ay Ciidamada Madaniga ah ku sugayaan amaanka, waxay intaas ku dareen in howlgelkan uu noqon doono mid taabagala soo yareeyo dhibaatada amaan darrada ahi.

SomaliSwiss  Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: