Afduubka Ajaanibka
Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray xarunta Gobolka Sh/hoose ee marka ayaa sheegaya in labadii qof oo dhowaantan lagu afduubtay deegaanka Awdhiigle dhalashadoodu ahayd wadanka Talyaaniga laga soo ka xeeyay halkaasi lana sheegayo in afduubayaashu ay geysteen magaalada Muqdisho Sidaas waxaa sheegay Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Sheekh Maxamed.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in ciidanka gobol uu ku daba joogay raadka afduubayaasha, balse iminka la ogaaday in lahaystayaasha loola soo gudbiyay Dhinaca Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in horey ay iyagu uga soo baacsadeen dadkii ku haystay gobolka Sh/hoose isla markaana ay u la soo dhaafeen dhanka xadka Muqdisho.
C/qaadir Sheikh Maxamed si faahfaahsan ugama hadlin cidda afduubatay ha yeeshee wuxuu sheegay in dabagalkooda ay weli wadaan, balse uu xaqiijiyay in lagu hayo imminka qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadkaasi u dashay wadanka Talyaaniga ay heystaan Maleeshiyooyin ka amar qaata Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde ) inkastoo aanu jirin cid xaqiijin karta, hase yeesheeuu si aad ah isu soo taraya wararkaas.
SomaliSwiss Marka Caddey
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.