Sheikh Xassan Daahir
Halkaan ka akhri
Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya Garabka ku sugan magaalada Asmara xarunta Dalka Ereteria ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Dhaleeceyntii dhawaan ka soo yeertay Shiikh Shariif Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.
 Gudoomiyaha Golaha Shuurada Isbahaysiga dib u Xoreynta Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ay dhiseen Guddi Xaqiiqa raadin ah oo soo baara Khilaafaadka soo kala dhaxgalay Isbahaysigooda.
 Xasan Daahir Aweys oo Xalay Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ay ka xunyihiin Hadalkii kasoo yeeray Shikh Shariif ee lagu Cambaareeyay Dowladda Ereteria oo ah Saaxiibka Umadda Soomaaliyeed sida uu Hadalak u dhigay Xasan Daahir Aweys.
Shiikhu wuxuu intaas ku daray in ay Dadaal u gelayaan Xalinta Khilaafka Isbahaysiga intii suuurta gal ah, balse marnaba aysan aqbali doonin in lala hadlo Dowladda KMG Soomaaliya inta ay Dalka joogaan Ciidamada Itoobiya arrintan ayaa baajin karta ayuu yiri Sheikh Xassan Bur Burka Isbahaysiga Dib u Xoreynta oo ay ku midoobeen inta badan Mucaaradka dalka Soomaaliya ka jira.
SomaliSwiss Asmara
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.