Madaxweyne Ifawerki: Ethiopia waxay waligeed ahayd Cadow soo jireen u ah labada shacabka Somaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Ifawerki

Halkaan ka akhri

“Caqli-gal ma ahan in xalka Soomaaliya lagu gaaro rabitaanka Itoobiya ama in lala heshiiyo kuwa siyaasadaheeda meel marinaya“, Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha dalka Eritrea Isas Ifawerki.

 Madaxweyne Ifawerki wuxuu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay la gudboon tahay in ay iska caabiyaan gumeysiga dalka Ethiopia, isla markaana ay u duubtaan sidii ay kaga hortagi lahaayeen.

 

 Balse Isais Ifawerki ayaa sheegay in Ethiopia ay ahayd cadow soo jireen u ah shacabka Soomaaliyeed iyo kann Eritera, taasina waxaa caddeeynaya Taariikhda Gobolka geyska Afrika, Sidaas awgeed ma ahan in lagala hadlo xalka shacabka Soomaaliyeed iyaga iyo kuwa daba dhilifka ee  uu u soo wakiishay Somaliya. 

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Eritrea, ayaa si cad u soo hadal qaadin hadalkii Sheekh Sharif gudoomiyaha isbaheysiga Xoreynta uu ku eedeeyay ee ku aadanaa in uu kala dhantaalayo Isbaheysigooda.

 

SomaliSwiss  Amara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: