Ciidamada Amison oo dagaalkii shalay u isticmalay hub casri ah oo khasaarihi ugu cuslaa soo gaarsiiyey dadka rayidka ah.

Ciidamada Amison

Halkaan ka akhri

Warar dheeraad ayaa maanta ka soo baxay dagaalkii shalay qorax dhacii ka dhacax magaalada Muqdisho oo ay isaga horimaadeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ka howlgalaya gudaha magaalada Muqdisho iyo sooma jeestiyaasha Mujaahidiinta Al.Shabaab.

 

Ciidamada Amison gaar ahaan kuwa Uganda oo shalay isticmaalay maadaafiic Casri ayaa lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen geerida in ka badan 10 ruux oo ku geeriyootay madaaficdaas oo kii ugu Cuslaa uu  ku dhacday agagaarka Dugsigii sare ee Banaadir.

 

 Saakay ayaa  la Aaska dadkii ku geeriyooday madaafiicdii shalay lagu dagaallamay, balse dadkii ka qeybgalayay Aaskas ayaa sheegay in dadkoo dhan ay aad kaga xumaadeen in ciidamada AMISOM ay ku kacaan falkaasi maadama inta badan aysan waxyeelo u geysan jirin rayidka.

 

 Hase ahaatee waxaa lagu soo warramay in tiro madaafiic xoog badan ayay ku garaaceen goobo fara badan tasoo keentay khasaaraha dadka rayidka ah iyadoona la sheegay in ay kaga jawaabayeen madaafiic si ba’an loola dhacay xarunta safaaraddii hore ee Masar oo ay degan yihin.

 

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: