Afduub Markab
Halkaan ka akhri
Markab laga leeyahay dalka Niederland ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxay ku afduubteen xeebaha gacanka Cadan, xilli seddax maalin ka hor la sii daayey markab ganacsi oo ay kooxo burcad badeed ah ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya.
Afduubka markabkaan waxaa xaqiijiyey milkiilaha markabka oo dhalashadiisu tahay dalka Niderland oo lagu magacaabo Raide, kaas oo sheegay in guud ahaan ay waayeen isgaarsiintii markabka islamarkaana aaney jirin faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo afduubka markabka.
Sida lagu soo warramay Markabkan ayaa waxaa saarnaa shaqaale gaaraya ilaa 9 qof oo u kala dhashay dalalka Ruusha iyo Filipin, warku wuxuu intaa raacinayaa in ay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan kooxaha burcad badeedka ah ee markabka Afduubtay.
Milkiilaha Markabka ayaa ayaa wuxuu ka welwel sanahay xaaladda shaqaalaha markabka, kaasoo ah hadafka koowaad sidii loo badbaadin lahaa, kadibna loola heshiin lahaa burcadda afduubatay markabka” ayuu yiri Raide oo ah milkiilaha markabka.
Si kasta ha ahaatee waxaa joogto ka noqday xeebaha Soomaaliya Afduubka maraakiibta marata badweynta Hindiya, waxaana kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah ee afduubata maraakiibta si ay uga qaataan madax furasho lacageed.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.