Taageerada Mareykanka
Halkaan ka akhri
James Swan oo ah Ku xigeenka kaaliyaha arimaha dibadda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Mareykanku ay daneyneyso dib u hishiisiin laga sameeyo dalka Somaliya .
Ku xigeenka Kaaliyuhu James Swan wuxuu intaas raaciyey in Mareykanku uu soo dhaweynayaan dadaalada ay Qaramada Midoobey ugu jirto in ay ku dhex dhexaadiso Dawladda iyo Mucaaradka.
James swan oo ka qayb galayey shir ka dhacayey magaalada Ottawa ee dalka Canada wuxuu sheegay in Mareykanka ay aad u daneynayaan in xal laga gaaro arimaha murugsan ee dalka Somaliya.
James Swan oo Saxaafadda dalka Canada wax ka wareysatay Siyaasadda Ciidamada Ethiopia ee jooga dalka Somaliya ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo siyaasada Ethiopia ee dalka Somaliya, laakiin waxa uu sheegay in Mareykanku ay wadaan dadaallo ay ku Abuurayaan jawi ay ciidamada Ethiopia kaga baxaan Somaliya.
Hase ahaatee Mr. James Swan wuxuu walaac ka muujiyay ku tumashada Xuquuqda Aadanaha ee ka jira dalka Somaliya .
Isha warka Reuter
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.