Degmooyinka magaalada Muqdisho oo maanta badinkooda ka dhacay dagaal aad u culus oo ay dad badan ku nafwaayeen.

Wadada Km4

Halkaan ka akhri

Iska horimaad dagaaleed oo la isu adeegsaday hubka waaweyn ee kala duwan oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba ayaa galabta waxa uu ka dhacay Qeybo ka mid ah degmada Waaberi iyo Hodan.

Iska horimaadkan oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda KMG ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia iyo ururka Mujaahidiinta Al-shabaab, wuxuu ahaa mid aad u Culus Islamarkaana ku bilawday Qoryaha garabka laga rido iyo gawaarida dagaalka oo ay ku Jawaabayeen Ciidamada AMISOM ayaa galabta waxa uu ka dhacay nawaaxiga Xaafada Taleex KM4 iyo qeybo ka mid ah wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Iska horimaadkan oo socday Mudo saacada ah ayaa wuxuu dhaliyay qasaaro baahsan oo soo gaaray dad rayid ah, Waxaana qasaaraha ugu badan uu ka dhashay meel ay ku sugnaayeen dad ka gambanayay Rasaasta kuwaasi goobta ay ku jireen uu ku soo dhacay Madfac .

Hase ahaatee dhawaqa rasaasta ee Iska morimaadkan ayaa waxaa laga maqlayey Xaafado badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho , hase yeeshee dadka degan nawaaxigaasi ayaa ku tilmaamay dagaalkan in uu yahay kii ugu cuslaa oo mudooyinkaan ka dhaca qeybo ka mid ah degmooyinka gobolkan Banaadir.

Dhibaatada uga weyn ayaa waxaa ah inuu ku dhacay Madfac dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana ku dhintay in ka badan 8 Ruux oo rayid ah, sidoo kale waxaa madfac kale ku dilay 3 qof oo mid ahaa Caruur yar, bale lama xaqiijin karo qasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalku dhaxmaray,waxaa laga yaabaa in dhimashada ay intaasi ka sii badan doonto.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: