Diyaaradaha Mareykanka
Halkaan ka akhri
Degmooyinka Saakoow iyo Jilib oo ka tirsan ayaa Xalay goor dambe Diyaaradaha Dagaalka Maraykan duqeeyeen sida la wada ogsoon yahay deeganadaas ayaa waxaa gacanta ku haya ee ka arrimiya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya.
Hase ahaatee wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in Diyaaradaha Maraykanku ay Weeraro culus ku qaadeen magaalada Jilib Halkaas oo lagu garaacay Madafiic aad u iftiimaysay balse aan si rasmi loo ogeyn qasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Â
Si Kastaba ha ahaatee dadka deegaan Tuulooyin u dhow degmooyinkii lala dhacayey madaafiicda oo Beeraley ayaa sheegay in ay maqlayeen Guuxa Diyaaradaha iyo Madaafiic culus oo lagu garaacayey deegaanada Jilib iyo Saakoow , shacabka ku nool gobalada Jubbyinka ayay soo wajahday Cabsi aad u xoogan oo ay ka qabaan in ay dhibaato ka soo gaarto Weerada diyaaradaha Marayknkanka.
Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.