Xaaladda Ammaanka ee Gobolka Sh/dhexe oo laga deyriyey iyo Afhayeenka MMIS oo sheegay in wax laga qaban doono ammaan darradaas.

Maxkamaha Islaamka

Halkaan ka akhri

Magaalada Jowhar iyo Balcad oo maamulkeeda ay la wareegeen Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in amaankeed uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa, una baahan in wax laga qabto falalka xun xun ee ku soo badanayo deegaannadaas.

Balse waxaa maanta ku dhawaaqay Afhayeenka Maxkamadaha ee dhanka Howl Galada Sheekh C/raxiin Ciise Caddow wuxuuna shegay in ay wax ka qaban doonaan Xaaladaha amaan daro ee ka jira Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ayaa sheegay in wacad ku maray in tallaabo ka qaadi doonaan kuwa Burcad ah ee dhibaateynaya dadka ku safra Wadada.

Sida lagu soo warramay Kooxo Burcad ah ayaa in habeen ka hor ay weerareen Gaari Rakaab ah, deetana ay kufsi u geysteen Labo haween oo saarnaa Gaari ku sii jeeday Gobolada Dhexe.

Falkaas waxashnimada kadib ee ay ku dhaq dhaqaaqeen Kooxaha Burcad ah, waxaa Magaalada soo gaaray Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha iyo saraakiishooda.

Sheekh C/raxiin ayaa tilmaamay in meydkooda la weyn doono xataa kooxaha Burcad ah, isagoona xusay in ay Ciidamada madaniga kala shaqeyn doonaan Arrimaha Ammaanka Gobolka.

Si kasta ha ahaatee maamul la’aanta ka jirta magaalada Jowhar, mudada labada bilood ku dhow ayaa waxay faa’ido u tahay Kooxaha Burcad ah ee gaadiidka u gala wadada, waxaana jirin ilaa iyo hada saldhigasho rasmi oo ay Maxkamadaha ka sameeyeen Jowhar tan iyo intii Magaalada ka saareen Maamulkii dowladda u soo magacawday.

 

SomaliSwiss  Jowhar

%d bloggers like this: