Xaaji Abuukar Cumar Cadaani oo Shaaca ka qaaday inuu xiriir wanaagsan uu la leeyahay Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Xaaji Abuukar Cumar

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Al-Xaaji Abuukar Cumar cadaan, oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan uguna dhaqaalaha Badan ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inuu xiriir wanaagsan uu la leeyahay Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse uu laga been abuuray inuu ka goostay Guddoomiyuhu.

Xaaji Abuukar, ayaa waxaa uu yiri “aniga ma ogi meel warkaas laga keenay aniga iyo Sheekh Shariifna waxaan nahay dad dhiig iyo dhacaankiisa ah oo hilibya hed isu galay waaxana nahay qaraabo soko kalamana go’i karno kuwa warkaas wadana waxaan leeyahay saas wax leysuguma diro ee waxa aad qoreeysaan ka fiirsada oo dadka muslimiinta ah Beenta ha ka faafina”.

Xaajiga oo ka waramayey Bal inuu jiro wax Khilaafa oo ku saabsan Isbaheeysiga dhexdiisa oo dhex maray isaga iyo Sheekh Shariif, waxaa uu yiri ” aniga Isbaheeysiga kuma jiro kama mid ihi Madaxdiisa mugga aniga iyo Sheekhaas Allaha dhowree waxaan isku qabano maba jiraan oo Isbaheysigaas ku saabsan, weligeeyna isma qaban waana Nin Allaha dhowree inta qof Ilaaheey wanaajiyo wanaagsan oo Akhlaakh iyo Xusmad Diimeed leh.

Sheekha oo ka hadlay in ay jiraan Lacagaha la sheegayo inuu ka gooyay Sheekh Shariif, ayaa waxaa uu yiri ” aniga Sheekhaas taageero aan gooni u taageeray ma jirto lacag aan hada ku taageero oo aan ka gooyayna ma jirto warkaasuna waa war been ah.

Mar uu ka hadlayey inuu Sheekh Shariif ka dhego adeygay dhex dhexaadin uu ka dhex waday Isbaheeysiga Garabka Xasan Daahir iyo isaga (Sheekh Shariif) waxaa uu ku jawaabay “aniga Isbaheysiga Khilaaf iyo kuma ogeyn Mugiyo kamana war haayo warkaas”

“Aniga Sheekha waxoow ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee aaminsanahay in ay u adeegaan danaha dadka Soomaaliyeed, waana Halyeey Umadda Soomaaliyeed wada aragtay oo baal Dahaba ka galay Taariikhdeeda” ayuu yiri Xaajiga oo mar ka hadlaayey sida uu u arko Sheekh Shariif.

websiteyada Soomaalida Qaarkood ayaa lagu soo daabacay in Sheekh Shariif iyo Xaaji Abuukar, uu Khilaaf soo kala dhex galay ku saabsan Shirkii Jabuuti, balse taasi waxaa beeniyay Xaajiga, oo ku tilmaamay in qoraaladaas la daabacay ay yihiin kuwo xaqiiqda ka fog.

Sheekh Shariif, ayaa waxaa ay Soomaalida inta Badan ku Tilmaamaan inuu yahay Halyeey u soo kacay ,oo ay jeclaan lahayeen  bal in ay mar uun arkaan Sheekha oo gaara himiladiisa ah in dadka iyo Dalka Soomaalyeed guud ahaan ay u soo noqoto sharaftii iyo Sumcaddii uu ku lahaa Caalamka.

Isha warka Webka Shaaciye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: