Sheikh Shariif: Waxaa ku tuhmayaa dowladda Eritera inay wado Tallaabo ay ku kala jibinayso Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.

Sheikh Shariif Sheikh

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tuhmay in Dowlada Eritrea ay Wado talaabo ay  ku doonayso inay ku kala jabineyso Isbaheeysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Sheikh Shariif oo imminka ku sugan Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan qorshayaal hoose oo lagu xalinayo muranka soo dhex galay Xubnaha Isbaheysiga, balse uu aad uga xun yahay waxa shacabka Soomaaliyeed dhagahooda ku dhacay ee ka soo yeeray Xubno ka Tirsan Isbeheeysiga dib u xureeynta Soomaaliya ee Muujinayay Sida uu sheegay kala Jab soo kala dhex galay Isbeheeysiga.

Gudoomiyaha isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya Sheekh Shariif waxaa uu sheegay
 in dowlada Eritrea ay wado qorshe ay ku kal Qeybineyso Isbeheeysiga Dib u xureynta Dalka Soomaaliya waxaana uu sheegay Sheikh in uu aad uga xun yahay Arintaasi ay Dhawaan ku dhaqaqaday Dowladasi, hase yeeshee wuxuu dadweynaha uu caddeeyey inaysan jirin wax kala jab ah ee waxaa jira kal duwanaan Fikrad.

Si kasta arrinta ha u dhacdee Gudoomiyaha Isbeheeysiga Dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya wuxuu ugu baaqay xubanaha Isbeheeysigaasi in ay ilaaliyaan dareenka Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ka feejignaadaan waxa keenaya kala qob qobka Isbeheeysigooda.

 SomaliSwiss Djabuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: