Xagudub Xildhibaan
Halkaan ka akhri
Warar is khilaafsan ayaa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho oo sheegaya in saakay lagu xadgudbay, laguna bahdilay 3-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka KMG ah, waxaa Xildhibaannadan lagu xiray xeradii hore ee Ciidamada Asluubta ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, balse imminka ay degan yihiin Ciidamada gumeysiga Ethiopia.
xildhibaanadaas ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegeen in xilli ay ka sii baxayeen Muqdisho oo ay marayeen wadada isku xerto Muqdisho iyo degmada Afgooye ay qabteen ciidamada Iethiopia ah.
Xildhibaan Ismaaciil Jaamac oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la xiray saakay ayaa Warbaahinta u sheegay in markii la qabay ay tusiyeen Ciidamada Ethiopia aqoosigooda xildhibaanimo, balse aqoonsigaas laga diiday, looguna jawaabay in qof waliba uu sameysan karo, sidaas darteedna aan la aqoonsan karin
Si kasta ha ahaatee waxay xildhibaanadan dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho kadib markii ay isla garteen in ay hakiyaan safarkii ay ugu socdeen dhanka magaalada Baydhabo sababo Ammaankooda dartiisa.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.