Dagaal Culus oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Ethiopia iyo Xoogagga diiddan joogitaankooda oo caawa Maqrabnimadii ka dhacay Isgooska SOS

Caawa iyo Muqdisho

Halkaan ka akhri

Ex,Warshadii baastada iyo Xeylla bariise oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ka dhacay Caawa maqribkii Dagaal Culus oo la isu adeegsaday hubka culus iyo kuwa fududba, ka dib markii Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Warshadii Baastada iyo Xeyla bariise ay isku faafiyeen Isgoyska SOS ilaa nawaaxiga Hotel Ramadaan.

Ilaa hadda wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho waxay sheegayaan inay jiraan ku dad rayid ah  oo ku soo dhaawacmay dagaalkan oo loola cararey qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdiso, gaar ahaan Isbitaalka Keysanay.

Hase ahaatee lama  garanayo qasaaraha soo gaaray dhinacyada dagaalamay, balse waxaa la hubaa inay dhici karto dhimasho badan dagaalkan la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Si kasta ha ahaatee Ciidamadii Ethiopiyaanka ahaa ee ku faafay Isgoyska SOS ayaa la sheegay inay dib u gurasho sameeyeen, iyagoo ku laabtay Warshadii Baastada halka qaar kale oo ku soo faafay Nawaaxiga Hotel Ramadaan aysan jirin wax Weerar ah oo ay la kulmeen, kuna laabteen xaruntooda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: