Caasha Axmed Cabdalla oo dhaleecaysay Siyaasadda Puntland ee ku aadan Shidaal baarista.

Xildhibaanad Caasha

Halkaan ka akhri

Caasha Axmed Cabdlla oo ka mid ah Xildhibaanad Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay arrimaha Shidaal baarista ah ee ka taagan Maamulka Puntland ee gobalada Waqooyi Bari.

 Marwa Caasho Axmed Cabdalle waxay ka biyo diidsan tahay  Siyaasada  maamul Goboleedka Puntland ay ku doonayaan inay  Kheyraadka dalka Soomaaliya ay iyagu sida ay doonaan u istcmaalaan, taasoo ay  ku tilmaantay inay Sharci darro tahay.

 

Maamulka Gobaleedka Puntland oo Shirkado Shisheeye qandaraas ku siiyey inay  baaris  Shidaalka qodis ah, taasna ay Caasha Axmed Cabdalla ku tilmaantay Tuuganimo iyo khiyaana laga galay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Hase ahaatee Xildhibaanadda waxay soo hadal qaaday falkii sharci darrada ahaa oo ay dhawaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladduba ay ku galeen Hoyga uu Muqdisho ku leeyahay Madaxweynihii hore Dr.Cabdi Qaasim Salaad Xasan, balse Xildhibaanada ayaa ku tilmaantay Ciidamada Dowladda kuwa Ethiopiaankuba aysan aqoon Sharciga u degsan Qaranka Soomaaliyeed.

 

SomaliSwiss Baydhsbo

SomaliSwiss@hotmaik.com

%d bloggers like this: