Maxamed Xassan Xaad
Halkaan ka akhri
 Golaha Dhaqanka Hawiye oo Maanta Cambaareeyay Xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya ka wadaan Muqdisho iyo Bililiqadii loo gaystay guriga Cabdi Qaasim, Wuxuuna u qornaa sidatan:-
 Ref:- GDH&MBH0089 Date 24/5/2008
Warsaxaafadeed
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/05/2008 oo ay kaga hadlayeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Falkii lagu Galay Guriga Madaxweynihii Hore Dr.C/Qaasim Salaad Xasan, Weerarkii Suuqa Bakaaraha iyo Jabintii Warshadii Hilibka ee Xaafadda Yaaqshiid.
Waxey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah fal danbiyeedyo ka geysteen Gurigii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan oo ay boob,dhac iyo jir dil kula kaceen Ilaaladiisa, taas oo ay ka soo horjeedo Qawaaniinta Dowliga ah in waxyeello loo geysto Madaxweyne xil ka dagay, isla markaana aan baaritaan lagu sameyn karin gurigiisa.
Sidoo kalena ay xabadeeyeen Dhaawacna u geysteen wiil yar oo arday ah oo uu awoow u yahay General Maxamed Ibraahim Liiq Liiqato.
Waxaa kaloo ay ciidamadaasi weerar ku soo qaadeen Suuqa Bakaaraha oo maalmahan ka nastay Dhibaatooyinkii ay ku hayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah, iyadoona hoobiye iyo madaafiicba ku soo garaacay Suuqa Bakaaraha dadkii ku ganacsanayayna qal qal galiyay.
Intaa ka dib waxey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah galeen Warshadii hilibka ee ku taallay Xaafadda Yaaqshiid, isla markaana ka qaateen agab badan.
Ugu danbeyntii waxuu Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye ugu baaqayaa Beesha Caalamka Xasuuq, barakicinta iyo boobka ay ku hayaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah Shacabka Soomaaliyeed in ay arrintaas dhaawaceyso Hanaankii Dib U Heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed loogu yeerayo, isla markaan ay Beesha Caalamka sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabato Xasuuq ay wadaan Ciidamada Itoobiya.
Guddoomiyaha golaha dhaqanka & midnimada beelaha Hawiye
Maxamed Xasan Xaad
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.