Dr.C/qaasim Salaad
Halkaan ka akhri
Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Gurigiisa kadib markii Ciidamada dowalda iyo kuwa Ethiopianka ay weerareen,wuxuuna sheegay in Ciidamada Ethiopianka ah ay gurigiisa u dhacay ka hor Salaadii Jimcaha intaan la gelin, waxaana ay ka qaateen agab kala duwan oo uu ku jiray Hub lagu ilaalinayay Madaxweynaha,sidoo kale waxay dil iyo hadadaado u geysteen Caruurtiisa iyo dadkii Ilaalinayey.
Mudane C/qaasim ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweeynaha Dalka Libaya uu Qoraal u diray isla markaana uu kala hadlay sidii Xabsiyada looga sii deeyn lahaa Muwaadiniita Soomaalida ah ee Ku xiran Xabsiyada Dalkasi Libiya, balse ma ahan oo keliya Libiya ee meelo badan ee Caalanka ka mid ah ayaa lagu bahdilaa sida Koonfu-Afrika, Tanzaniya iyo Ingriiskaba.
Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa caddeeyey in ay isugu wanagsan yihiin Mucamar Al Qadaafi Madaxweeynaha Dalka Libiya isla markaana uu u soo Musaafurin Doono Dalkooda Muwaadiniinta Soomaaliyed.
 Hase ahaatee wuxuu kaloo Dr Cabdi Qaasim ka Codsaday Dolwalada Tanzania oo kumanyaal Dhalinyaro Soomaali ah ay Dalkeeda ku xiran yihiin ay sii deeyso Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku jira waqtiyada dheer Xabsiyada Dalkasi.
Balse wuxuu kaloo Cabdi Qaasim Salaad Xasan in Nasiib Daro ku tilmaamay in dhac iyo weliba dilaal muwaadiniin Soomaali ah loogu geeysto Dalka K/Africa iyadoo Doowladihii hore ee Soo maray Dalka Soomaaliya ay Taageeri jireen xiligii ay xoriyad doonka ahaayeen Dadka Dalkasi.
Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Ayaa ku eedeeyay Walidiinta Soomaaliyed in ay Ubadkooda ku sii daayeen in ay ku safraan saxaraan waddo qodaxyo badan leh Sida Lamadegaanka u sdhaxeeyo dalalka Liibiya iyo Sudan halkasi oo ay kula kulmaan dhallinyaro ku dhinteen, kuwii ka badbaadina ay ku dhibaateysan yihiin meelihii ay tageen.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.