Dagaal xooggan oo ay ku baaba’een Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Saaka ka dhacy xaafadda Toqfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Ciidamada Xaq u dirirka

Halkaan ka akhri

Xoogaga ka soo hojeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo Siyaasada Dowladad KMG ah ayaa saakay isaga hor yimaadeen dagaal culus oo ka dhacay xaafadaha Towfiiq iyo Gubta Ciise Cabdi magaalada Muqdisho.

Balse sida lagu soo warramay in Dagaalkan uu aad u qaraaraa ayaa Xoogaga Wax iska caabinta Soomaaliyeed ku qaadeen Maleeshiyo ka tirsan Dowladda iyo Ciidamada Itoobiya waxaana halkaas laga arkayay Dhimbilo Gaduudan oo ah Rasaastii ay labada dhinac is-dhaafsanayeen.

Hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ciidamo badan, balse ay indhahooda ku arkeen 4-Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya iyo dhimasho iyo dhaawac kale oo soo gaaray dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa la sheegay in uu ka duwanaan dagaaladii lagu qaadi jiray Ciidamada Itoobiya waxaana la sheegay in dagaalkii Saaka markii ugu horaysay ay ka qayb qaateen Ciidamo cusub oo ku soo biireen Kooxahii Muqaawamada, kuwaas oo si fiican u tababarnaa sida aan Wararka ku helayno.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: