Xaruntii hore ciidamada Asluubta ee saldhigga u ahaa Ciidanka gumeysiga Ethiopia oo Xaq-u-dirirka gubeen.

Xaq-u-dirirka Soomaaliya

Halkaan ka akhri

Waxaa habeenimadii xalay ay qaadeen xoogagga xaq-u-dirirka weeraro qorsheysan oo lala beegsaday ciidamada gumeysiga Itoobiya ee degganaa Xeradii hore ee Ciidanka Asluuta, weerarkaa soo ay ka soo hooyeen guulo.

Ciidamada xoogagga xaq-u-dirirka Soomaaliyeed ayaa weerar xooggan la beegsaday Ciidamadii Ethiopiaanka ee degganaa xeradaas balse waxaa la sheegay in Xaq-u-dirirka ay sadex jiho ka weerareen xerada, halkaasoo ay qasaare laxaad leh gaarsiiyeen ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku dhuumaaleysanaya xeradaas.

Hase ahaatee Xoogagga xaq-u-dirirka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay gubeen keydkii shidaalka iyo hubka ee ciidamada cadowga,

 

 Waxaa qaar ka mid ah  deegaanada magaalada Muqdisho fiidnimadii xalay la arkayay dab weyn oo ka baxayay gudaha xerada, kaasoo ka dhashay gubashada shidaalka iyo hubkii keydka ee ay lahaayeen ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Xaq-u-dirirka Soomaaliyeed ee kacdoonka ka wada guud ahaan Soomaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa wacad ku maray in ay laba jibaari doonaan weerarada qorsheysan ee ay ku hayaan ciidamada gumeysiga, illaa xoog dalka looga saarayo ciidamada gumeysiga Ethiopia ee qabsaday dalkeena hooyo.

Xoogagga xaq-u-dirirka ayaa weerar kale oo ay isla xalay ku qaadeen warshadda baastada qasaare xooggan ku gaarsiiyay ciidamada gumeysiga Itoobiya, hase yeeshee Xoogagga xaq-u-dirirka ayaa meel kastoo ay joogaan isku balansaday in ay halganka wadaan illaa ciidamada gumeysiga Ethiopia laga baabi’iyo ama ay dalka ka cararaan.

 

 SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: