Ogeysiis iyo Wargelin :- Maalinta Xasuusta Marxuum Daud Abdi Xussen

Marxuum Daud Abdi

Halkaan ka akhri

Ma tahay qof Soomaali ah? mise tahay qof Waddani? balse ma doonaysaa inaad muujiso Shucuurtada Waddaniyeed ee Soomaalinnimo?

Haddaba haddii ay jawaabta tahay Haa, ka soo qayb qayb gal, dib u xasuusidda rasmiga ah ee Aaska Marxuum Daud Abdi Xussen oo ku dhintay Universität Spital ee degmada Zürich, Taariikhda markey ahayd 23 März 2008da; oo si qarsoodi ah loo Aasay 16ka April 2008da iyadoon la raadin Ehelkiisa.

Marxuumku wuxuu ku Aasan yahay Qabuurta Friedhof Sihlfeld ee tagta Wadada Aemtlerstr. 151. Zürich 8003.
Maalinta la xasuusanayo Marxuumka waa Talaadada 27 May 2008da, Saacadda waa 14 ama 2dii Duhurnimo.

Gaadiidka taga Qabuurta Sihlfeld waa: Tram 2 / 3 bis Zypressenstrasse oder Bus 33 bis Friedhof Sihlfeld.

Xasuusta Marxuumka ayaa waxaa kaloo ka soo qayb gelaya Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u Dooda iyo warbaahinta Swisska.

Wixii faafaahin kala soo xiriir Dr. Axmed Dhicisow Daauud Tel.076-527.36.50 ama Mustaf Bashiir Gobdon Tel. 079-798.38.05.

Sidaas iyo ka soo qayb gal Tiiraanyo leh.

SomaliSwiss Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: