Barlamaanka Ethiopia
Halkaan ka akhri
Meles Zenawi ayaa khudbad uu Arbacadii Tegtay ka jeediyay baarlamaanka dalkiisa ku sheegay in Itoobiya difaaci doonto dekedda Jabuuti haddii dowladda Eriteriya ay weerarto Jabuuti, Waayo Ethiopia horseedka Geeska Afrika.Â
Haddii ay dhacdo in Eriteria ay weerar ku soo qaado dalka Jabuuti; dowladda Ethiopia waxay ku qasaban tahay in ay difaacdo dekedda Jabuuti, waayo ethiopia waxay fiirsaneysaa meesha danaheeda uu ku jiro oo ah isticmaalka dekedda Jabuuti ,sidaas waxaa shaaca ka qaaday Meles Zenawi, isagoo ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa.
Balse hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi ayaa daba socda warar sheegayey in dowladda Eriteriya ay ciidamo soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto dalka Jabuuti.
 Madaxweyne Afwerki oo dalkiisa horay u la galay dowladda Ethiopia dagaal ba’an oo la xiriira dhinaca Xuduudaha,taasoo uu ku guuleystay ayaa haddana wuxuu doonaya in uu cadaadis ku saaro dowladda Jabuut,i kadib markii ay xiriir hoose oo qoto dheer la yeelatay dalka Ethiopia.
Si kasta ha ahaatee dowladda Ethiopia oo haatan haysata sadex qeybood oo ka mid ah Shanta Qeybood ee SoomaaliWeyn oo kala ah, Soomaali Galbeed, Koofurta Soomaaliya & Somaliland, sidaas darteed waxay xeelad ah ay goor hore gacanta ku dhigtay qeybtii 4aad ee dhulka Jabuuti ee imminka uu u haysto mar marsiinyo siyaasadeed ee uu ku rabo in jabuuti uu si rasmi ah ula wareego sida Muqdisho, Hargeysa & Jigjiga oo ah xarunta soomaaligalbeed.
Â
SomaliSwiss Addis Ababa
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.