Ciidanka Tigreega
Halkaan ka akhri
Ciidamada Ethiopia kuwa DKM ayaa saakay ku soo faafay qeybo ka mid ah xaafada degmada wardhiigleey ee Gobolka Banaadir iyadoo saakay qeybo ka mid ah Magalada Muqdisho aysan shaqeyneynin gaadiidka Bl-ka ahaa.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan Ciidamada Dowladda KMG ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia ayaa saakay waxa ay soo galeen dalcada Aadan cadde, Xaafada Cali Caliyow iyo Xaafadaha ku teedsan,waxaana gadaal ka jooga Ciidamada Ethiopia.
Hase yeeshee Ciidamada Ethiopia ee ku sugan garoonka Istadiyum Muqdisho ayaa saakay ku soo faafay qeybo ka mid ah wadada 30-ka Xaafadaha ku teedsan sida Xaafada laba dhagax Xaafada geed Jaceyl.
Balse lama oga ujeedada ay xaafadaha u soo galeen, waxaana isgoysyada Aadan Cadde iyo H/wadaag soo buuxiyay dadweyne aad u fara badan oo eegaya goobaha ay ku sugan yihiin.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.