Miinada Dulka
Halkaan ka akhri
Bombaano oo loo dhigay Ciidamo ka howgalayey Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ciidamadaas ay ka soo gaartay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu.
Qaraxan oo goordhaweeyd ka dhacay ayaa dhawaqiisa laga maqlayay xaafado badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, balse qaraxan oo lala eegtay Ciidamo Ethiopian ah ee ku sugnaa inta u dhexeeysa Saldhiga Booliiska Degmada Waaberi iyo Hotelka Ambassador ee wadada Makka Al Mukaarama ayaa la sheegay in qaraxaas uu ka dhashay Miino dhulka lagu Aasay.
Dad Goob Joogayaal ah ayaa waxay Saxaafadda Muqdish u sheegeen in qaraxaas uu u Geeystay qasaare isku jira dhimasho iyo dhawac Ciidamada Ethiopianka oo halkasi ka baaris ka waday.
Balse dadkan ayaa sheegay inay arkayeen labo ka Tirsan Ciidamada Ethiopianka oo halkaasi ku nafwaayay iyo kuwa kalena ay dhawac ahaayeen, balse way adagtahay in la helo war rasmi ah oo sheegaya qasaaraha dhabta ah ee ciidamada Ethiopianka soo gaaray.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ciidamada Ethiopianka ah ee halkaas ku sugan ayaa bilaabeen in ay rasaas xoogan ridaan, ka dib Qaraxaas, taasoo keentay in dadka iyo Gaadiidka ay ka kala Cararaan halkasi iyagoo ka baqadin qaba in wax yeelo ay ka soo gaarto rasaasta ay ridayeen Ciidamada Ethiopianka .
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.