Qarax Bam-gacameed ah oo dhimasho iyo dhaawacba Sababay oo xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Baydhabo.

Qaraxa Baydhabo

Halkaan ka akhri

Qarax xogan ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay gaar ahaan goobta maanta sarkaalka lagu toogtay.

Qaraxaan oo ahaa Bam gacmeed ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof oo mid ay tahay Haweeneey Shaah iibinaysay dhaawacna soo gaaray inkabadan 4 Ruux oo rayid ah ka dib markii bam gacmeed lagu Weeraray Ciidamada DFKM oo ka ak dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Wariyaha Shabelle ee Baydhabo Maryan Seylac ayaa soo sheegtay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay isku gidaameen Ciidamada Booliska DFKM,waxaana ay fureen Rasaas aan la ogeyn wax yeelada ay u geystay dadka rayidka ah.

Qaraxa galabta ka dhacay Bartamaha magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku soo beegmaysaa xili nin hubeysan uu galabta toogtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Nabad Sugida ee DFKM islamarkaana ninkii dilka geestay markii dambe ay Toogteen Ciidamada Booliska.

SomaliSwiss  Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: