RW Nuur Cadde
Halkaan ka akhri
War goor dhaweyd ay baahiyeen Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Balse sida warbaahinta ay sheegtay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid lama filaan ah oo aan cidina ku wehlin, waxaan warar is khilaafsan ka soo baxayaan halka uu u duulay.
Hase yeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Nuur Cadde ayaa sheegay in aysan ka war qabin socdaalka uu Muqdisho kaga ambabaxay, waxaana ay sheegeen inuu yahay socdaal u gaar ah oo uusan cidina la socodsiin.
Warar qaar ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde uu u baqoolay Magaalada Nairobi, halkaasoo rasmiyan aan la ogeyn ujeedada uu ugu socdaalay.
Bixitaanka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmay, xilli Baydhabo uu ka socda Mooshin lid ku ah Xukuumadiisa, taasoo la doonayo in kalsoonida lagala noqdo.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.