Ma ka dhabaa hadalka ka soo yeery Beesha Mareexaan oo ahaa inay dagaal la galaynin Xoogaga Maxkamadaha iyo Al Shabaab, dagaalkii ay la geli lahaayeena ay joojiyeen kana doorteen Wadahadal ?

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2007/03/kismayo.jpg?w=319&h=228

Kismaayo

Halkaan ka akhri

Mas’uuliyiinta Beesha Mareexaan oo keligood Xoogga ku haysata Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in Shalay ay ka jireen xaalada Coladeed ayaa xalay Shaaca ka qaaday in ay baajiyeen gebi ahaanba Dagaal ay damacsanaayeen in ay la galaan Xoogaga Al Shabaab iyo Maxkamadaha oo maalmihii lasoo dhaafay isbalaarsi ka weday Jubbooyinka.

Nabadoon Xasan Dheere oo ah Afhayeenka Beesha Mareexaan ayaa xalay ka dhawaajiyay in ay joojiyeen dagaalkii ay damacsanaayeen islamarkaana ay Wadahadalo la bilaabeen Ciidamada Al Shabaab iyo kuwa Maxkamadaha sidaasna lagu baajiyay Dagaal uu dhiig ku daadan lahaan.

Si kasta ha ahaatee Beelaha kale oo si taariikhi ah u dega xoogna loo sheegtay ayaa waxay la yaaban yihiin hadalka soo yeeray Beesha Mareexaan oo iyada is lahaysiisay  Magaalada Kismaayo sida hanti ay leedahay oo kale, balse waxaa la hubaa in maalin un xaqqa soo xaadiri doonto.

Balse Nabadoon Xasan Dheere oo Goordhaweed  la hadlay qaar ka tirsan Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Beeshiisu ay tahay Beel Nabdeed oo aanay doonayn in ay la dagaallanto Ururka Diimeedyada Soomaaliya ” waxaan ogaanay in Kooxaha Jubbooyinka soo galay ay yihiin Kooxa Diimeedyo aan qabiil ahayn sidaas darteed waxaan Go’aansanay in aan Nabadda ka wada shaqaysano ayuu yiri Xasan Dheere arrintan ayay ku farxeen Boqolaal qoys oo Qax u joog ahaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: