Wargelin Deg-deg ah
Halkaan ka akhri
Dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Kantoonada Dalkan Switzerland, gaar ahaan Kanton Zürich, waxaa lagu wargelinayaa ama la ogeysiinayaa in qof soomaaliyeed oo magaciisu ahaa  Daud Abdi Xusen oo ku dhintay Universität Spital ee ku yaalla degmada Zürich, Taariikhda markey ahayd 23 März 2008da.
Alle ha u naxriistee Daud 00 la ogaaday inuu Soomaali ahaa, ayaa iyadoon la raadin qaraabadiisa iyo Ehelladiisa si qarsoodi loo ga aasay Qabuuraha ku yaalla Sihlfeld, kadib ay ogaadeen Urur u dooda Xuquuqda Aadanaha, balse dhowr maalmood kadibna la soo xiriireen Maamulada Idaacadda Radio SomaliSwiss iyo Barta Internetka https://somaliswiss.wordpress.com/ ama Emailka SomaliSwiss@hotmail.com Dr. Axmed Dhicisow Daauud iyo Mustaf Bashiir Gobdon.
Haddaba iyo hay’adda AUGENAUF waxay naga soo codsatay in Daud Abdi Xusen si rasmi oo xauus reebta loo Aaso.
Ujeedada ka dambeyso dib u xusuusidda Marxuumkan ayaa ah:
1- In haddii aan Soomaali nahay ay dib dambe noogu dhicin arrintan mid la mid.
2- In la ogaado Sababta keentay in si degdeg ah loo Aaso, iyadoo Soomaalida Ku nool Kanton Zürich ay leeyihiin Jaaliyad Rasmi ah oo dhawaantan si mideysan oo rasmi ah loogu dhawaaqay.
3- In Maamuladda iyo hay’adaha Kantoon ay ogaadaan in aan ka xun nahay arrinta ku dhacday Marxuum Daud Abdi.
Intaas ka dib waxaan Soomaalida Kantoon Zürich la Ogeysiinayaa inay ka soo qayb galaan dib u Aasidda Marxuum Daud Abdi oo dhici doonto maalinta talaadada ah oo ay taariikhdu tahay 27May 2008da oo ku aadan maalin Talaadada ah, Saacadda markey tahay 14 ama 2dii duhurnimo, waxaana la tegi doonaa qabuurta uu horey loo Aasay oo ah Sihlfeld oo u dhow Albisreden, Boostada gadaasheed.
Qabuurahan Waxaa taga Gaadiidka kala ah Bus N°33, Tram N°3 iyo Tram N°2, haddaba waxaa laga codsanayaa Soomaalida inay Walaalkooda Marxuumka Sharfaan, tusiyaanna kuwii dafiray xuquudii uu u lahaa in si wanaagsan loo Aaso, waxaa goobtaas imaan doono Warbaahinta Swisska, haddii aan annagu muujinin in aan ka xun nahay Berri waxay ku dhici doonta qof kale oo Soomaali ah, sidaas awgeed waa in aan ka gaashaamannaa si ay dib dambe u dhici.Â
Sidaas iyo Warsan ka soo qayb-gal wacan.
  SomaliSwiss Zürich
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.