Kismaayo & Kistaa
Halkaan ka akhri
Warar Colaadeed oo isa soo taraya iyo Dhaqa dhaqaaq cidan ayaa xalay iyo maantaba laga dareemayey magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose xili maalintii shalay ay deegaanka kamsuuma ay la wareegeen maxkamadaha islaamiga ah.
Hase ahaatee waxaa la’arkayey Gaadiidka dagaalka oo ku qul qulaya xalay banaanka magalaada oo ay saarnaayeen maleeshiyo aad u hubaysan sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada kismaayo ,.
Balse dadka ku dhaqan gudaha magaalada Kismaayo ayaa habeenkii xalay si weyn u hadal hayay dhaq dhaqaaqa ciidan iyo xiisadaha ka soo cusboonaadey magaaladaasi kismaayo iyo Gobalka Jubada Hoose.
Waxaa laga cabsi qaba ain saacadaha soo socda uu dagaal ka qorxo Jubooyinka waloow aan loo babac dhigi karin Xoogaga Al Shabaab iyo Maxkamadaha oo horay cagta usoo mariyay dhowr magaalo.
Si kastaba ha’ahaatee xaaladaha is badal ka ah ee ku soo kordhay goballada jubooyinka ayaa la’ogayn sida ay ku danbeyn doonto.
SomaliSwiss Kismaayo iyo Kistaa
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.