Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo dardar gelinayso qoorshaha Ciidamada Nabad-ilaalineed ee dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobey

Halkaan ka akhri

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa wada qorshe Ciidamo caalami ah uu ku keenayo Soomaaliya, kuwaasoo badalaya kuwa Afrikaanka ee tirada yar ku sugan Soomaaliya.Golaha Ammaanka ayaa haatan wada lacag uruurin uu u sameynayo dalalka Ciidamada caalamiga ah u soo diri doonaan dalka Soomaaliya.

Sida lagu wada dalalka ciidamada u soo diri doona ayaa waxay kala yihiin: India, Pakistan iyo Bangladesh, sida la sheegay Dowladahan ayaa mid ah safka hore ee ka imaanaya Ciidamada Caalamiga ah ee nabad ilaalinta, kuwasoo tiradooda ay gaareyso ilaa 30 Kun oo askari.

Hase yeeshee Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ilaa iyo hada balan qaaday qarashaadka ku baxaya Ciidamadaas, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Golaha Ammaanka go’aan rasmi ah so saaro.

Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in Xafiiskeda usoo rareyso Soomaaliya, taasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweysay.

 SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: