Ergeyga Cusub ee Jaamacada Carabta u qaabilsan arimaha Dalka Soomaalya oo la filayo in maanta booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho.

Astaanta J. Carabta

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xarunta Jaamacadda Carabta ayaa sheegaya inay wakiil cusub u soo diraysa dalka Soomaaliya, kaasoo ay dhawaantan  u soo magacaabeen inuu Jaamacadda ugu wakiil noqdo gudaha Soomaaliaka.

 Erageygan oo magaciisu la yiraahdo Ibrahim Shuweymi ayaa lafilayaa inuu maanta yimaado magaalada Muqdisho, islamarkaana uu wada hadallo la yeesho dhamaan dhinacyada isku haya Siyaasadda dalka Soomaaliya.

Ergeygan ayaa raga wararka fidiya u sheegay isaga oo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar in socdaalkiisa Muqdisho ay qeyb ka tahay dadaalada loogu jiro dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Mudane Shuweymi  wuxuu kaloo uu sheegay in xiriir wada hadalo ah la yeelan doono dhamaan dhinacyada kala duwan ee isku haysta loolanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray inuu filayo in mudo kooban xaalada dalka Soomaaliya xal deg deg ah looga gaaro.

Hase ahaatee Mudane Shuweymi ayaa waxaa loogu  fadhiyaa waxa uu ku soo kordhiyo Xaaladda murugsan ee Soomaaliya iyo sida uu u wajoho.

 SomaaliSwiss Qaahira

 SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: