Suuqa Xoolaha
Halkaan ka akhri
Suuqa Dayax ee ganacsiga Xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa waxaa uu maanta Iska hor imaad aad u xooggan ku dhexmaray ciidamda ka tirsan  kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia iyo Xoogagga ka soo horjeedo, xilli ay suuqa Dayax ee Degmada Huriwaa ay ka aruurinayeen lacago lagu sheegay inay tahay Canshuurta dowladda.
 Balse iska hor imaadkaa ayaa la sheegay inay soo qaadeen Xoogagga ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda KMG ah iyo joogitaanka dalka Ciidamada Ethiopia, waxaana ay soo qaadeen, xilli Ciidamada Dowladda ay canshuur uruurin ka wadeen Suuqa Dayax qeybtiisa Xoolaha.
Dagaalkan ayaa socday Ku dhawaad muddo saacad ah, waxaana ku dhintay inta la ogyahay ilaa iyo 5-ruux oo ay 4-ka mid ah yihiin ciidamadia Dowladda ee goobta ku sugnaa sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Hase yeeshee dadkii ku ganacsayay Suuqa Dayax intii uusan iska hor imaadku dhicin ayaa la sheegay inay kala carareen marka ay xabadii ugu horreysay maqleen, waxaana sidoo kale waxaa goobtaas ka cararay Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Maamulka Gobolka Banaadir ee canshuur uruurinta ka waday Suuqaas.
 SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.