Degmada Beledweyne
Halkaan ka akhri
Gobolka Hiiraan oo ah deegaan wada-dega dhowr qabiil oo ku abtirsada Beelweynta Hawiye ayaa waxaa ka jira qabiil rabo inuu sadbursado, taasoo keentay in gobolku la isku qabqabsado maamul u sameytiisa, balse war ka soo baxay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Kulan balaaran ay shalay galinkii danbe ku yeesheen magaalada baladweyne Beesha Jajeele oo ka mid ah beelaha dega Gobalka Hiiraan, kuwaas oo ku dhawaaqay inaysan la shaqeyneyn maamulka Cusub ee Gobalkaasi.
Beesha Jajeelle oo ka tirsan Beelweynta Gugundhabe oo sida aadka ah u dega Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ku tilmaameen maamulka cusub ee Gobalka mid aan loo soo marin magaabidiisa nidaam sharci ah, islamarkaana aysan aqoonsaneyn maamulkaas.
Â
 Hase ahaatee beesha Jajeelle ayaa uga digtay maamulka Cusub inuu faraha la soo gelin deegaanada ay ka dagan yihiin magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan, iyagoona intaa ku daray inaysan wax wada shaqeyn ah la yeelan doonin maamulkaas.
Â
 Balse Beeshan ayaa waxay intaas ku dartay inaysan qaadan Karin dulmiga lagu hayo Gobalka hiiraan oo marwalba korka looga keeno maamul aysan iyagu dooran, iyagoo Tusaale u soo qaatay Gobalada Bay iyo Bakool iyo Gedo inay doorteen Maamul u gaara halka ay Hiiraana iyo gobolla kaleba dadkood la dulminayo ama la kala faquuqo,hase yeeshee waxaan ka codsanaynaa Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega Gobolka Hiiraan inay arrinta xalkeeda raadiyaan, si xal waarta loo helo, sdaas waxaa loogu dhawaaqay Kulanka Beesha Jajeelle.
Â
SomaliSwiss Beledweyne
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.