Antonio Guterres
Daawo Sawiro Kale
Halkaan ka akhri
Waxaa dorraat Socdaal howleed ku dalka Yemen Ninka uga sarreeya Hay’adda Qaxootiga Caalanka (UNHCR ) Mudane Antonio Guterres , ujeedada socdaalkii waxaa uga muhimsanayd asagoo doonayey inuu kormeer ku tago Xerooyinka qaxootiga Soomalida, si uu u soo indha-indheeyo xaaladda nololeed qaxootiga ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaalla meel u jerta Caasamadda dalka Yemen ee Sanca 490Km.
Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu argagax ka soo qaaday markii indhahiisa ku soo arkay xaaladda adag ay ku jiraan iyo nolosha xun ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku jirta xeryaha qaxootiga.
Balse Masuulkan ayaa wuxuu wada hadallo iyo wareysiyo la yeeshay qaar ka mid Soomalida ku silacsan Xeryahaas, wuxuuna uha horreyntii la sheekeystay Qoys ku jiray xerada Kharas ee Koonfuta ka xigta magaalada Sanca.
Haweynay dhowr Caruur hooyadood ah ee uu la sheekeystay Mudane Antoniya Guterres ayaa waxay uga sheekeysay Safarkeeda Mugdiga ahaa iyo waxyaabihii ay la soo kulantay, hase ahaatee Masuulka Sare Mudane Antonio ayaa la dhakafaaray dhinbka ay haweynaydaas ay soo martay, iyada iyo caruurteeda.
Sidoo kale Haweynaydan ayaa sheegtay in Soomaalidu iyo Afrikaanka kaleba waxay Yemen u haystaan inay tahay wada keliya ee ay uga gudbi karaan wadamada Bariga dhexe siiba dalka Sacuudiga.
Mas’uulka Sare ee hay’adda qaxootiga Adduunka ( UNHCR ), ayaa sidoo kale la hadlay dhallinyaro badan oo ku jiray xerada Kharas ee Koonfurta ku taalla,balse wuxuu u ballan qaaday in sida uga dhaqsiyaha badan arrimahooda wax laga qaban.
Â
Antoonio Guterres ayaa wuxuu kaloo la sheekeystay Gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Aamina Cabdi oo 18 jir ah, ayaa iyadoo Ooynayso ugu warbixisay in 10 Rag oo Yamani ah ay kufsadeen, si wuxuushnimana ah ula dhaqmeen, iyadoo joogtay meel u dhow magaalada Cadan, taasi waxaa ka sii daran ayey tiri Aamina in raggaas ay dhammaantooda ay ka wada sinnaayeen naxriis la’aan.
Â
Ugu dambeyntii Mas’uulka hay’adda Qaxootiga (UNHCR) uu Kormeerkiisu ku soo gabagabeeyey asagoo la yaaban sida ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga Yeman ku jira.
Â
SomaliSwiss Isha warka UN
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.